Post View....

Ciidamada Amniga oo toogasho ku dilay labo nin hubeysan oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha

0
86

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa goor dhow Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta daawada ku dilay labo dabley hubeysan, kuwaasoo qof rayid ah ku dilay gudaha Suuqa.

Ciidamada oo ka ag dhowaa goobta ayaa ku soo baxay rasaasta, waxaana kooxdii hubeysneyd isla goobta is rasaaseyn ku dhex martay kooxdii hubeysneyd iyo ciidamada booliska ee suuqa ku sugnaa.

Is rasaaseynta ayaa lagu dilay labada qof ee hubeysnaa, iyadoo uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Ciidamada Booliska.

Dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee Suuqa daawada ee Bakaaraha ayaa muddo kooban hakad galay, waxaana goobta soo gaaray Ciidamo boolis dheeraad ah.

Sawirrada Meydka labada qof ee bastooladaha ku hubeysan ayaa la soo dhigay baraha bulshada, waxaana ay ahaayeen labo dhalinyaro ah.

Ammaanka Suuqa Bakaaraha ayaa bilihii u dambeeyay ahaa mid wanaagsanaa, iyadoo ciidamada booliska ay saldhig ku leeyihiin gudaha suuqa, isla markaana xilliyada qaar gudaha Suuqa ka sameeya howlgalo roondeyn ah.

 

About Author