Post View....

Guddoomiyaha Maxkamadda CQS Oo Gaaray Dhuusamareeb+Ujeedka Safarkiisa

0
51

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Wafdiga Guddoomiye Shuute ayaa waxaa kamid ahaa Saraakiisha Xeerilaalinta Ciidamada iyo xubno kale oo uu kamid ahaa Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey), waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ujeedka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida u tegay Caasimadda Galmudug ayaa ah sidii ay Maxkmadda u qaadi laheyd kiisas dhowr ah oo ka kala dhacey deegaanada Galmudug iyo Gobolka Hiiraan.

Maxkamadda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay bilowdo dhageysiga Kiiska dilka maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb loogu geystay Shaafici Xaaji Diiriye oo ahaa wiil dhaliyaro ah, kaasi oo uu toogtay Askari kamid ah ilaalada Senator Dhageey.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa la filayaa inay  fuliyaan xukuno horay loogu riday rag ku xukuman dilal ay geysteen oo ku jira Xabsiyada deegaanada Galmudug.

 

About Author