Post View....

Ingiriiska oo ka hadalay Khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.

0
72

Safiirka Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Mr. Ben Fender ayaa ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee haatan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Safiirka Ingariiska oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in muhiim ah tahay in wadahadallo ay dhexmaraan Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada si loo xaliyo Khilaafyada jira.

Wuxuu sheegay Safiirka Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Ben Fender in heshiis dhexmara Madaxda labada dhinac looga gudbi lahaa caqabado badan oo jira, isla markaana fursal loo helayo in laga faa’iideyso lahaa Arrimaha deynta looga Cafinayo Soomaaliya.

Ben Fender ayaa tilmaamay in loo baahan yahay inay wadashaqeyn dhexmarto Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada si loo dardaegeliyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021 iyo ka hartega faafida Cudurka halista ee COVID-19.

“Wadahadalka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada waa lama huraan, si looga faa’iideysto dalka deyn cafintiisa, la keeno doorashooyin toos ah oo qaran oo waqtigeeda ku habboon waafaqsana sharciga cusub, iyo wax ka qabashada coronavirus. Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay loo qaaday, waxaana rajeynayaa in kuwa ay khuseyso ay ku heshiin karaan in ay u kulmaan dhakhsi”ayuu qoraalkiisa ku yiri safiirka UK ee Soomaaliya.

Dhanka kale hadalka Safiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmin kahor Qaramada Midoobe ay soo dhaweeysay Go’aankii uu qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ahaa inuu Safar ku imaanayo Muqdisho, si uu ula kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Author