Post View....

Wasiir Cawad “Kaalinta Soomaaliya ee khilaafka Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo”+Vedio

0
67

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Soomaaliya ee la xiriira muranka ka dhex jira Dowladaha Masar iyo Itoobiya ee salka ku hayo isticmaalka Wabiga Nile.

Danjire Cawad waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka diblumaasi ee ka dhex jira Jamhuuriyadda Carabta Masar iyo Dowladda Federaaka Itoobiya oo gaaray meel sare.

Waxa uu u jeediyay Dowladaha Masar iyo Itoobiya in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisadda ka dhalatay isticmaalka Wabiga Nile, haddii loo baahdana Soomaaliya ay gacan ka geysanayo sidii loo dhameen lahaa muranka labada dowladood.

“Soomaaliya waxa ay dhexdhexaad ka tahay Khilaafka ka dhex jira Dowladaha Masar iyo Itoobiya oo xiriir wanaagsan inaga dhaxeeyo, waxa aan diyaar u nahay in aynu gacan ka geysanayo xalinta dalalkaan iyo dhameynta waxyaabaha ay kala tirsanayaan” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uuna qiray in wafdi ka socday Dowladda Masar ay dhawaan soo gaareen Muqdisho, waxaana safarkooda uu ku tilmaamay socdaal guud oo ay ku tagayeen caalamka.

Waxaa wax laga weydiiyay safarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee aan horay loo shaacin uu 18-kii bishana ku tagay Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in wadatashi uu la lahaa Madaxda dalkaas, lana xiriirta xoojinta xiriirka labada dowladood.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkaan ku sheegay Wareysi uu siiyay Warbaahinta Daljir ee ka howlgasha Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopian Gedu Andargachew ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti aysan taageerin qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ka dhanka ah Itoobiya oo ay xubno ka yihiin Dowladahaan.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Wasiir Axmed Ciise Cawad

Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Ahmed Isse Awad oo u waramay warbaahinta Daljir. Doorka Soomaaliya ee muranka wadaaga biyaha webiga Niil | khilaafka Ethiopia iyo Masar| Arimaha Kenya, Siyaasada arimaha dibada ee Soomaaliya maxaa iska bedeley? |iyo arimaha Puntland ayuu wasiirku ka hadlay|

Posted by Radio Daljir on Sunday, March 22, 2020

About Author