Post View....

Coronavirus:UAE waxa ay joojisay duulimaadyadii, Sacuudiga waxa ay soo rogtay bandoow.

0
67

Imaaraadka Carabta  ayaa joojisay dhammaan duulimaadyada rakaabka iyo kuwa tareenada muddo laba toddobaad ah, halka Sacuudi Carabiya ay soo bandhigtay bandow habeenkii ilaa waaberigii si loo xakameeyo faafitaanka cudurka faafa ee Coronavirus.

Yurub dhexdeeda, Talyaanigu waxa uu ku dhaqaaqay in uu joojiyay dhammaan safaradii lagu tegi lahaa waddanka gudihiisa, maadaama in kabadan 5,400 oo qof ay ku dhinteen gudaha waddanka COVID-19, haatana la soo sheegayo kiisas cusub oo cudurkaan la xariira.

Spain, oo ah dalka labaad ee cudurku sida daran u saameysay Yurub, ayaa qorsheyneysa in ay kordhiso xaalad deg deg ah illaa 11ka Abriil, ka dib markii wadankaasi gudihiisa laga diiwaan galiyay in kabadan 1,700 dhimasho.

In kabadan 14,500 oo qof ayaa u dhintay COVID-19 guud ahaan Caalamka. Qiyaastii 98,000 oo ka mid ah 336,000 qof ee laga helay cudurka adduunka oo dhan ayaa ka soo kabsaday Xanuunkaan dilaaga ah, sida lagu sheegay xog ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins.

 

About Author