Post View....

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki oo ku dhawaaqay inuu galay Karaantiil.

0
64

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu galay karan-tiil ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay xanuunka dilaag ah ee Covid-19.

Fariin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu shaaca kaga qaadey in howlwadeenada kale ee xafiiskiisa ay dhankooda karantiil galeen inta laga hubinayo.

Hadalka Faki ayaa kusoo aadaya kadib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay in shaqaalo ka tirsan howlgalkooda uu qaadey xanuunka dilaaga ah ee Covid-19.

Mr Faki ayaa wuxuusan fahfaahin buuxda ka bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee qaadey cudurka iyo qaabka uu ku yimid.

Bukaankaas ayaa la tilmaamay in uu soo maray muddo dalal badan oo caabuqu saameeyay isla markaana uu ku jiro muddo huuris sided maalmood ah lana waydiiyo su’aalo dheeraad ah oo la xariira sida uu ku qaaday cubuqaan

Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan oo caalamka ah.

Jaamacadda Johns Hopkins ee fadhigeedu yahay waddanka Mareykanka ayaa waxay diiwaan-gelisay 553,200 kiis, in ka badan 25-kun oo dhimasho ah iyo 127,500 oo kasoo kabasho ah, guud ahaan caalamka.

Wadamada dhaca geeska Afrika ayaa dhamaantood shaaciyay kiisas la xariira Caabuqa Coronovirus,waxaana Kenya soo warisay dhimashadii ugu horaysay ee Xanuunka wadama dhaca geeska qaarada hodanka ah ee Africa.

About Author