Post View....

Faarax Macallin: “Wa wada Tuugo Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya..

0
72

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar culus ku qaaday madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwa xada hantida deegaanadooda, wuxuuna si gaar ah u sii weeraray kuwa Puntland iyo Jubaland.

Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-kiisa ku sheegay in madax goboleedyada, oo uu isaga ugu yeero barasaabyo, ay ku kala duwan yihiin in kuwa Puntland iyo Jubaland ay “hantida ay xadaan” ku maal-gashtaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa kale ay ku maal-gashtaan Soomaaliya.

“Waxaan ogaaday farqi weyn oo u dhaxeeya barasaabyada musuq-maasuqa ah ee Jubaland iyo Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya. Kuwa hore waxay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa dambe ay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Soomaaliya, ayaga oo dabaqyo uga dhisaya magaalooyinka Soomaaliya. Kuwaas waa tuugo waddani ah,” ayuu yiri Faarax Macallin.

Wuxuu Faarax Macallin si gaar ah u calaamadeeyey madax goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa sababteeda loo arki karaa, inay yihiin kuwa ay is-khilaafsan yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo Faarax Macallin uu aad u taageero.

Dhanka kale Siyaasiyiin Soomaali ah oo ay kala artagti duwan yihiin dowladda dhexe, ayaa horey Faarax Macallin ugu eedeeyey inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta biilka ka qaata Villa Somalia, si ay dowladda u difaacaan. Sidoo kale gabar uu dhalay Faarax Macallin oo lagu magacaabo Xubi ayaa ka shaqeysa oo la-taliye ka ah Villa Somalia.

About Author