Post View....

Hub uu isticmaalay Atoore James Bond oo la xaday

0
71

Shan bastooladood, oo aysan xabad ka dhaceynin, oo loo isticmaalay dhowr xalaqo oo ka mid ah filimka James Bond, qiimahooduna uu ka badan yahay £100,000, ayaa la xaday kaddib markii la jabsaday meeshii ay ku jireen.

Koox tuugo ah ayaa maqribnimadii Isniinta jabsatay goob uu hubkaas yaallay oo ku taalla waqooyiga magaalada London, waxayna baxsadeen ka hor inta uusan booliska soo gaarin halkaas.

Bastoolad uu nooceedu yahay Walther PPK, oo uu isticmaalay atooraha lagu magacaabi jiray Roger Moore, xilligii uu jilayay xalaqada “A View to a Kill” ee qeyb ka ahayd filimka James Bond, ayaa ka mid ah hubka la dhacay.

Taliska booliska ayaa hubka la xaday ku qeexay “mid aan la heli karin wax la mid ah”.

Walther PPK

Hubka la xaday waxaa sidoo kale ka mid ahaa bastoolad lagu magacaabo Beretta Cheetah, mid lagu magacaabo Llama .22 calibre, oo iyagana lagu isticmaalay filimkii James Bond ee ciwaankiisu ahaa Die Another Day, iyo waliba labo kale oo kala ah Revolver Smith iyo Wesson .44 Magnum, oo iyagana lagu adeegsaday filimkii ciwaankiisu ahaa Live and Let Die.

Dadka dariska la ahaa goobta la jabsaday ee hubkan uu ku keydsanaa ayaa sheegay in tuugada la tuhunsan yahay ay u muuqdeen rag caddaan ah oo u ekaa dadka daga bariga qaaradda Yurub, goobtana ay uga carareen gaari midabkiisu qalin yahay.

Det Insp Paul Ridley, oo ka tirsan booliska Met ayaa yiri: “Hubkan la dhacay waxay ahaayeen ku khaas ah oo si gaar ah loogu isticmaali jiray filimada James Bond.

“Meel kasta oo ay kuwa xaday la tagaan waa laga aqoonsan doonaa, waxaana garan doona shacabka iyo qof walba oo ay damcaan inay ka iibsadaan. Qaar badan oo ka mid ah qalabkan lama heli karo baddalkooda”.

Beretta Tomcat pistol

Wuxuu intaas ku daray: “Bastooladda nooceedu yahay Magnum waa tan kaliya ee lagu sameeyay caalamka, wayna dhammaatay.

“Bastooladda Walther PPK waxay ahayd tii ugu dambeysay ee uu isticmaalay Roger Moore, markii uu jilayay filimkii ciwaankiisu ahaa A View to a Kill. Qofka iska leh aad buu uga caresan yahay in wixii uu lahaa si khaldan lagu qaatay wuxuuna si dhab ah u aaminsan yahay inuu dib u heli doono qalabkiisa qiimaha badan.”

Xigasho:BBCSomali

About Author