Post View....

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka wadahadlay sugida amniga ee doorashooyinka.

0
80

Markii kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xajaar ayaa waxaa ay uga wadahadlayaan arimaha amaanka doorashooyinka dalka ka dhici doono dabayaaqada sanadkaan 2020 iyo horaanta 2021.

Gudoomiyaha iyo Taliyaha Booliska ayaa kawada hadlay fulinta hawlihii looga balamay kulamadii u dambeeyay ee u yeeshay Guddiga Amniga Doorashooyinka waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen u daadajinta Guddiga Amniga Doorashooyinka heer dawlad goboleed iyo sidii loo samayn lahaa qorshe wadajir ah kasoo la jaanqadaya hawlaha iyo hanaanka farsamo ee hawlaha doorashada sida diiwangalinta codbixiyaha.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo horaantii isbuucan uu Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka warsaxaafadeed uu soo saarey uu ka dalbadey in Guddiga Amniga Doorashooyinka ay dardargaliyaan hawlaha sugida Amniga Doorashooyinka.

Taliyaha oo u mahadceliyay Guddiga Madaxa banaan ee Qaranka ayaa dhankooda ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha iyaga xagooda ah isagoo guddiga ku amaanay sida ay oga go’antahay qabsoomidda Doorashada dalka

Guddiga doorashooyinka ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay kulamo ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

About Author