Post View....

Tirada Soomaalida Cudurka COVID 19 ugu geeriyootey Ingiriiska oo la shaaciyey

0
53

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Maxamed Salaad xalay magaalada london ee wadanka Britain waxaa uu ugu geeriyoodey Cudurka COVID 19,kaas oo dad badan ay horey ugu geeriyooden.

Maxamed Salaad ayaa noqdey Qofkii Afaraad oo Soomaali ah oo dalka Ingiriiska ugu geeriyooda Coonavirus,iyada oo ay jiraan dad kale oo Soomaali ah oo la jiifa xanuunkaas,sida ay sheegeen dad ku sugan dalkaas.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxamed Salaad ee u geeryoodey Coronavirus Xaaskiisa iyo qaar kamid ah Carruurtiisa laga helay,waxaana qoyskaas uu yahay mid saameyn ballaaran uu ku reebay COVID 19.

Tirada dadka Somaaliya ee haatan la jiifa Cudurka Coronavirus dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay 16 Ruux,waxana dadkaasi kamid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Soomaalida ku nool Magaalada london ee dalka Ingiriiska ayaa walaac badan ka muujiyey Cudurka,iyada oo la sheegay in dowladda Britain aysan dadaal badan ku bixin sidii looga hortegi lahaa Cudurkaas.

About Author