Post View....

Goormee ayuu dhammaan doonaa, noloshuna ay caadi ku soo laaban doontaa?

0
72

Dunida ayaa is xirxireysa. Goobihii mar saxmadda lahaa ayaa haatan noqday meel maran, iyadoo xayiraado ba`anna lagu soo rogay dadka, oo ay ka mid yihiin xiritaanka iskuullada, socdaalka iyo isu imaatinnada waaweyn.

Waa qaab ay dunidu ula dagaallameyso xanuunka. Balse goormee ayaa la soo afjari doonaa fayraskan, noloshuna ay caadi ku soo laaban doontaa?

Coronavirus

Ra`iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in UK aysan muddo 12 toddobaad gudahooda wax uga qaban karin coronavirus.

Balse xitaa haddii kiisasku ay yaraadaan saddexda bilood ee soo socota, weli uma dhowa in la cirribtiro fayraska.

Waqti dheer ayay qaadan kartaa in la soo afjaro fayraskan – sanado inay qaadato ayaa suurtogal ah.

Way caddahay in tallaabooyinka xayiraadaha ee haatan aysan sii socon karin waqti dheer. Waxaa kordheysa waxyeellada gaareysa bulshada iyo dhaqaalahaba.

Waxa ay dalalku u baahan yihiin ayaa ah inay la yimaadaan hannaan loo qaadayo xayiraadda, noloshuna ay caadi ugu soo laaban karto.

Balse coronavirus uma muuqdo mid suulaya

Haddii aad qaaddo xayiraadaha xakameynaya fayraska, waxaa sii kordhaya kiisaska xanuunka.

Waa caqabad saynis iyo mid bulsho oo weyn. Goormee ayuu Corona dhammaan doonaa, noloshuna ay caadi ku soo laaban doontaa?

Waxaa jira saddex qaab oo xaaladdan looga bixi karo.

  • Tallaal
  • Inay dad badan adkeysi u yeeshaan caabuqyada
  • Ama aan gebi ahaanba beddelno dabeecadda iyo hab-nololeedka bulshada

Dhammaan qaababkaas waxay yareyn karaan inuu fayrasku faafo.

Tallaalku – wuxuu ugu yaraan qaadan karaa 12-18 bilood

Tallaalku wuxuu qofku awood u siiyaa inuusan xanuunsan haddii uu qaado fayraska.

Qofkii ugu horreeyay ayaa toddobaadkan dhexdiisa Mareykanka lagu tijaabiyay tallaalka, kaddib markii baarayaasha loo oggolaaday inay joojiyaan ku tijaabinta xayawaannada.

Baaritaanka tallaalka ayaa si xowli ah u socda, laakiin ma jirto wax damaanad ah oo ku saabsan in lagu guuleysan doono.

Qiyaasta macquulka ah ayaa ah inay qaadan karto 12 ilaa 18-bilood, haddii ay wax walba ku socdaan sidii loogu talogalay.

bb
bb

In qofku adkeysi u yeesho – ugu yaraan labo sano ayay qaadan kartaa

Qorshaha muddada gaaban ee UK ayaa ah in dadka laga saaro isbitaallada si looga hortago inay buux dhaafaan.

Marka ay kiisasku yaraadaan, waxaa suurtogal ah in xayiraadaha qaar la qaado in muddo ah, haddii ay kiisasku kordhaanna la soo celiyo tallaabooyinkaas.

Haddii uu dad badan ku dhaco fayraska, waxay su`aashu tahay adkeysiga ay u yeelanayaan ma yahay mid sii jiraya. Xanuunnada kale ee coronavirus ee hore u jiray, oo calaamadaha hargabka lahaa, wuxuu dadku ku dhacay dhowr jeer.

Woman coughingLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQufaca waa mid ka mid ah calmaadaha Covid-19

Hannaanka kale – weli ma cadda

Qaabka saddexaad waa in isbeddel lagu sameeyo hab-dhaqankeenna, si loo yareeyo isu gudbinta fayraska.

Tani waxaa ka mid ah in la joogteeyo tallaabooyinka haatan la soo rogay. Amaba in lala yimaado hannaan baaritaan iyo karantiil xooggan oo lagu sameynayo bukaannada.

In la soo saaro dawo lagu daweyn karo xanuunka Covid-19 ayaa sidoo kale wax ka tari karta qaababka lagu taliyay.

Waxaa dadka la siin karaa isla markii lagu arko calaamadaha, si aysan dadka kale ugu gudbin.

About Author