Post View....

DEG DEG: Qarax Lagu Dilay Taliyihii Saldhiga Afgooye Oo Ka Dhacay Degmada…

0
75

Warar goordhaweyd Casir liiqii ah kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa xaqiijiyey in Qarax miino loo dhigay Kollonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo Katirsan Booliska Degmada Afgooye.

Taliyaha Saldhiga Afgooye C/qaadir Cusmaan Mursal iyo Seddex Askari oo ilaalo u aheyd ayaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen Qaraxaasi.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cusmaan Carab ayaa Maqribnimadii Caawa noo xaqiijiyey in Weerarkaasi uu dhacay laguna dilay Taliyaha iyo Istaafkii la socday qaar.

Ma jirto warar dheeraad ah oo laga helay Qaraxaas marka laga soo tego xogtaas kooban ee la bixiyey,iyadoo Duleedka Afgooey Qaraxa uu ka dhacay Casirkii Galabta markii ay aheyd.

About Author