Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka Somaliya ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Dowladda Dhexe ay dalka ka ceyrisay Macalimiin u dhalatay dalka masar, kadib khilaafkii Masar iyo Ethopia.
Wasaaradda Waxbarashadda ayaa la wareegtay Iskuulka 15 May ee Magaaladda Muqdisho, oo Macalimiin Masaari ay maamulayeen.
Xildhibaanada tallaabadan dhaliilay ayaa sheegay in go’aanka Ergada Masaarida looga wareejinayo 15 May School uu yahay cadaadis Dowladda Federaalka uga yimid Itoobiya, xilli Itoobiya iyo Masar uu ka dhaxeeyo murun la xiriira Biyaha Webiga Nile.
Wasiirka Waxbarashada C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in uu Xildhibaanadaasi u arko inay yihiin kuwo siyaasadda ka dhacay,aanba la soconin xaaladda dalka uu marayo.
“Waan arkaayay barraha bulshada iyo mareegaha arrimaha Soomaalida Xildhibaano ka hadlayo. Aniga Xildhibaanadaas siyaasadda ka dhacay in dowladnimada iyo wadanimadooda ay aad u hooseyso ayaan aaminsanahay inay yihiin,In go’aan iskuul ku yaala Xamar ee aan ugu daneynayno dadkeena, hawlaheenana ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amaraa laga soo siiyay meel, waa u wadanimo xumo, waana u dadnimo xumo, waxay rabaanoo kale ha sameeyaan, laakiin inay tacliinta siyaasadeeyan, ay sidaa qaabka daran u siyaasadeeyan, waa u dadnimo xumo.”ayuu yiri wasiir Goodax Barre.