Post View....

Shir aan Caadi ahayn oo la isugu yeray Golaha Wakiillada maamulka Somaliland, maxay ka hadli doonaan?.

0
61

Golaha Wakiillada maamulka Somaliland oo loo fasaxay sababo la xiriira ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa waxaa la isugu yeeray kulan oo aan caadi aheyn oo ay yeelanayan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa Xildhibaanada loogu wargeliyay in Maalinta sabtida ah ee soo socota la isugu yimaado kulan aan caadi aheyn.

Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay ansixinta labada xubnood ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland u soo magacowdeen Guddida Doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaa dalbaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si loo hirgaliyo Arrimo la isla gartay oo ku aadan Doorashooyinka maamulkaas.

Qoraalka ka soo baxay Guddoonka Somaliland oo sidiisa u qoran.

About Author