Post View....

Ciidanka Dowladda oo howlgalo ka wada inta u dhexaysa Janaale iyo Sablaale+Wararkii ugu danbeeyay

0
74

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Xoogga hubaysan ee Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay hadda isku diyaarinayaan siddii ay u gaari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu  weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey  oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab  maamulaan Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada dowladda ayaa dhanka kale howlgallo ka  sameeyay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, waxaana howlgalkaas isugu  jiraa miino baaris iyo xaqiijin amniga wadadaas, si ciidamada ugu soo  maro saadka iyo sahayda.

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay sii wadayaan Howlgalada inta Al Shabaab dalka laga saarayo sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay howlgalkooda ay ku dileen Askar ka tirsan Al Shabaab sidoo kalana ay ku qabsadeen saanad Milatari si uu hadalka u dhigay.

Intii ciidamada howlgalada ka wadeen ayaa waxaa lala eegtay qarax miino, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay in ay ku dileen qaraxaas illaa 7 askari.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mararka qaarkood ay Maqlayaan rasaas dhacaysa”Ma xaqiiji karno in rasaas ay isku ridaan Al Shabaab iyo ciidanka Dowladda ama Dowladdu kaligeed ridayso” ayuu Warbaahinta u sheegay Goobjooge ku sugan duleedka Janaale.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.

 

About Author