Post View....

DHAGEYSO:Coronavirus”Iskuma ogeyn fayraska Covid-19, hergab ayaana moodayay”

0
57

Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waa kalkaaliye caafimaad oo dagan dalka Finland waxaana loo sheegay in uu qabo caabuqa Corona, balse markii dambe haddana laga waayay.

Cabdi Fatax oo BBC u waramay ayaa sheegay in uu dareemay calaamado sida hargabka ka dibna uu isbataalka aaday si cudurka looga baaro.

“Cudurkan iskuma aanan ogayn oo waxaan u haystay in uu Hargab caadi yahay, waxaana la i mariyay baaritaan caafimaad oo qaatay wax ka yar 24 saacadood, waxay isoo waceen Jimcihii waxayna ii sheegeen inaan cudurka qabo, ayuu yiri”, Cabdi Fatax.

Cabdi Fataax Maxamed Qaaje ayaa sheegay in markii loo sheegay in uu qabo caabuqa uu walwal dareemay,

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

“Cabsidaa way iska wada jirtay laakiin waxaan dareemay walwal, ayuu intaa ku daray”.

Sidee markii dambe lagu ogaaday inuusan qabin?

Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waxaa uu sheegay in markii maalmo ay ka soo wareegtay natiijadii hore ee ahayd in cudurka laga helay mar kale ay dhakhaatiirta u yeereen si loo baaro.

Waxaa uu intaa ku daray in mar labaad la mariyay baaritaan cudurka Corona ah, balse loo sheegay in uusan qabin.

“Sabtidii ayay ii waceen waxayna i dhaheen baaritaan labaad ayaan kaa qaadaynaa taasi oo ah mid degdeg ah, sidaa aawadeed mid labaad ayay iga qaadeen waxayna iigu soo jawaabeen 10 saacadood gudahood waana la iga waayay, “ayuu yiri Cabdi Fataax.

Talada uu u soo jeediyay Soomaalida.

Cabdi Fataax ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka cudurka qaba in aysan dadka u qarin oo ay u sheegaan.

“Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed u sheego, waxa alle keeno way iska qadaran yihiin, fayraskan Corona cabsidiisa way badan tahay waa kawada warqabnaa laakiin waxaa muhim ah inaan isu qarin oo qofka qaba uu u sheego bulshada kale ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdi fatax.

Waxaa uu xusay in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo leh calaamadihii cudurka Corona hadana aanan aadayn xarumaha caafimaadka si looga baaro.

“Tusaale ahaan maalmihii aniga aan dareemayay calaamadaha hargabkan nafsadeyda waxaan galiyay guriga inaan iska joogo marka dad badan oo Soomaali ah o aan is wacnay oo magaalada wareegayo oo calaamadihii aan lahaa markaas hadda iyagu leh ayaa jira magaalada si caadi ah u shaqaysanaya markii aad la hadashid dhahaya waxaan qabaa hargab, “ayuu intaa ku daray.

Laba goor makugu dhici karaa coronavirus?

Qaar ka mid ah bukaannada ayaa ka caafimaaday Covid-19, waxaana laga fasaxay cisbitaallada, balse mar labaad ayey xanuunsadeen, markii la baarayna waa laga helay. Fayraska corona, sida hargabka caadiga ah, wuu soo noqon karaa. Hadabba maxay ku kala duwan yihiin?

Nin 70 sano jir ah, waa tusaalihii ugu horeeyay ee ah bukaan ka yaabiyay dhaqaatiirta, walwalna geliyay ogaanshaha fayraskan.

Waxaa lagu karantiilay cisbitaal ku yaalla Tokyo ka dib markii coronavirus laga helay bishii February.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Japan ee NHK, ninkaas ayaa xanuunka ka caafimaaday wuxuuna dib u billaabay noloshiisii caadiga ahayd. Balse dhowr maalmood ka dib, dib ayuu u xanuunsaday, wuuna qandhaday.

Ninkii ayaa dib loogu celiyay cisbitaalka, dhaqaatiirta iyo isagaba la yaab ayey ku noqotay. Wuxuu ogaaday in mar labaad uu ku dhacay coronavirus.

Inkastoo uusan keligii ku ahayn xaaladdan ee dalka Japan, haddaba weerarka rogaal celiska ah ee coronavirus waxaa la kulma dad yar, balse tiro ahaan badan. Maxay tahay sababta?

Dib u soo noqoshada fayraska

Luis Enjuanes, oo ku taqasusay fayrasyada faafa, kana tirsan machadka Qaran ee Biotechnology (CSIC) ee dalka Spain, wuxuu BBC u sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 14 ka mid ah bukaannada oo laga daweeyay Covid-19, in markale uu ku dhacay.

Wuxuu aaminsan yahay in arrintan aysan ka dhalan in mar labaad ay fayraska qaadeen, balse waa midkii hore oo “dib u soo rogaal celiyay”.

“Sharaxeedeyda, iyo sida dad kale oo badan ay u dhigi lahaayeen, waa in coronavirus uusan dadka kala soocin, balse dadka qaar difaacooda jirka waa mid aad u xoogbadan,” ayuu yiri Enjuanes.

“Marka ay daciifto jawaabta uu bixinayo difaaca jirka, fayraska oo meelaha qaar ku dhuumanaya ayaa weerar kale soo qaada.”

Fayraska wuu ku jiri karaa jirka

Qaar ka mid ah fayrasyada waxay isaga dhex noolaan karaan jirka, seddax bilood iyo in ka badan.

Person being tested for Covid-19Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionSida Khubarada ay sheegeen, illaa 14% boqolkiiba bukaanada ka caafimaada coronavirus, markale way la xanuunsan karaan.

“Marka qofka laga waayo fayraskii uu la xanuunsanaa, waxaa loo qaataa in jirkiisa uu iska difaacay fayraskaas, uusanna dib u soo noqoneyn,” ayuu hadalka ku daray Enjuanes.

“Balse caabuqyada qaar ee fayraska uu ka tago ayaa jirka ku sii dhex noolaan kara, kuwaas oo ka dhuunta unugyada difaaca jirka”.

Balse waxaa jiro arrin ku saabsan Covid-19 oo soo jiidatay seynisyahannada: Muddada kooban ee u dhexeysa marka uu bukaanka ka bogsado fayraska, haddana isla markiiba markale la xanuunsada.

Waan ognahay in unugyada difaaca jirka ay u shaqeeyaan qaabab kala duwan oo ay uga hortagaan xanuunada.

Tusaale ahaan, jadeecada oo hal mar qofka laga tallaalo marka uu yaryahay, way ku filan tahay jirkana wuu iska celin karayaa. In kastoo culimada caafimaadka qaar ka mid ah ay ku talinayaan in dadka qaar ee waaweyn ay u baahan karaan in la siiyo tallaalka casriga ah si aysan ugu dhicin jadeeco markale.

Waxaa jiro fayrasyo kale oo tallaalka aan looga hortagi karin, taas oo dhalineysa in qofka uu dhowr goor qaato ama difaaca gudaha uu xoojiyo.

Waxaa sidoo kale jira talaalo kale, tusaale ahaan, midka hargabka xun ama midka iska caadiga ah, taas oo sannad kasta la qaadan karo si soo noqnoqoshada fayraska looga hortago.

About Author