Post View....

DEG DEG:AMISOM oo Xerada Xalane gelisay Xaalad go’doon ah.

0
79

Taliska Ciidamada Midowga Afrika Amisom ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in la xiray xerada Xalane laga bilaabo maanta oo Axad ah 29 Maarso.

Qoraalka Amisom ay soo saareen ayaa la ogeysiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay, Hay,addaha degan Xerada Xalane & dhamaan qandaraaslayaasha ku dhex shaqeysta xeradaasi.

Amisom ayaa ujeedada ay u xirtay Xerada Xalane muddo 30 Cisho ah waxa ay ku sheegeen inay tahay ka hortagga Caabuqa Covid-19 oo Somaliya Saddex kiis laga helay.

Saddexda kiis ee Somaliya laga helay mid ka mid waxaa laga helay ruux Ajnabi ah oo ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobay, kaasi oo ku sugan Xerada Xalane, waxaana lagu karantiilay goob gaar ah.

 

About Author