Post View....

DEG DEG:Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu toogtay Boosaaso

0
49

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay dil loo gaystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa Ciidanka illaalada Canshuuraha ee Magaalada Boosaaso, waxaana toogtay rag hubaysan.

Sarkaalka la dilay, waxaa magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii weerarka gaystay oo aan weli la aqoonsan haybtooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin midna.

Ciidamada Puntland oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Kooxda dilka gaysatay.

Al shabaab & Daacish ayaa inta badan fuliya dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo loo gaysto xubnaha Maamulka ka tirsan ee Magaalad jooga.

Ammaanka Magaalada Boosaaso oo muddooyinkii dambe ahaa mid hagaagsan ayaa hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya, maadaama dilal kala duwan halkaasi ay ka dhacayaan.

 

About Author