Post View....

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo xalay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax Ismiidaamin ahaa.

0
54

Alle ha naxariistee, waxaa xalay isbitaalka magaalada Garoowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo xalay dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe.

Geerida Guddoomiyaha, waxaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaqaatiir ku sugan isbitaalka Garoowe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, waxaana ay sheegeen in uu geeriyooday, kadib qalliin lagu sameeyay.

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay.

Qaraxaas oo dhacay xalay , waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh.

About Author