Post View....

75-Jir Caruur aan dhalin oo Caawimaad uga baahan cid kasta oo Alle wax siiyay.

0
62

Waxaa lagu jiraa bilaha xurmada Badan,Alle wuxuu nagu yiri is caawiya aniga waan idin caawinaa, sidaasi darteed Wadaadkaan Waayeelka ah degana Deegaanka Qalimow ee Gobolka Sh/Dhexe fadlan ha la caawiyo cidii wax sadaqaysanaysa, waayo Guri ma lahan, Caruur ma lahan, xoolo ma haysto waa nin ku nool inuu la jiifto cidba maalin mana haysto wiil iyo Gabar garabsiinaya maanta.

Axmad Muxyadiin Yuusuf oo ah Oday Waayeel ah oo aan dhalin Wax Caruur ah, kuna nool Deegaanka Qalimow ee Gobolka Sh/Dhexe eedalka Soomaaliya ayaa ah Oday u baahan in Soomaalida Alle wax siiyay inay caawimaad u fidiyaan.

Odaygaan Waayeelka ah ayaa baaq u diray Shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Gudihiisa iyo Dibadda, wuxuuna ka baryay inta Alle wax siiyay inay gurmad lixaad leh la soo gaaraan.

“Waxaa lagu jiraa Bisha Zaka, Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Dibadiisa ku dhaqan u soo jeedinayaa inay igu caawiyaan Zakada ay bixinaayaa” ayuu yiri Axmad Muxyadiin Yuusuf oo ah Oday Waayeel ah.

“Ma lihi Dad aan ka sugaayo inay wax ii qabtaan, sidaas darteed waxaan Alle Dartiisa Ganacsatada, ruux kasta oo Alle Wax siiyay inay igu caawiyaan Zakada ay bixinaayaan, waxaan doonayaa inay iigu kaalmeeyaan si Daacadnimo ku jirto” ayuu yiri Odaygaan Waayeelka ah.

Dhinaca kale Soomaalida oo idil waa inay Odaygaan aan wax Caruur ah aan dlin, islamarkaan haysan cid gar gaarta soo gargaaraan Odaygaan oo aan hubno inuu Alle ka abaal marin doono Ajar cid kasta oo Garab istaagta Odaygaan.

Hadabba: Odaygaan Waxaa laga helayaa Taleefoonkiisa oo Nambarkiisu uu yahay 002521-615474182, soo Caawiya Alle ha idin Caawiyee.

About Author