Post View....

Dowladda Somalia Oo Soo Iibsatay Qalabka Lagu Baaro COVID-19 & Muwadiniin loga shakiyay cudurka

0
60

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Tallaado ah shaacisay inay soo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka Coronavirus oo dalal badan oo ku yaalla dunida fara ba’an ku haaya.

Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga rasmiga ee Twitter-ka ee Telefashinka Qaranka ee SNTV ayaa lagu sheegay in Dowladda ay dalka keentay Shaybaarka Covid-19 oo ay soo iibsatay.

Dowladda ma shaacin dalka ay kasoo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka halista Coronavirus, kaasi oo ay u dhinteen in ka badan 10,000  oo Ruux, halka kumanaan kalena uu soo ritay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaaan sheegtay in Magaalada Muqdisho laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa, isla markaana dowladda ay karantiishay.

Sidoo kale Dowladda ayaa joojisay Duulimaadyadii Caalami ah ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray, sidoo kalena xirtay dhamaan goobaha Waxbarashada dalka, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

 

About Author