Xog aan ka helnay ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay Villa Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD ee u taagan doorashada 2021.
Inkastoo si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay diirada ku saareen kulankooda labadan mas’uul hadana warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiray walaac ay qabeen Xisbiga mucaaradka oo ku aadan qabsoomida doorashada 2021,taas oo laga dareemayay guux siyaasadeed badan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Sheikh Maxamuud ku qanciyay in doorashada waqtigeeda ku qabsoomi doonto,islamarkaana Dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonto fududeynta howshaas.
Sidoo kale, Farmaajo iyo Xasan Sheikh ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha Galmudug iyo Khilaafka wali ka jira,wuxuuna madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu cadeeyay in Dowladda Federaalka si qaldan u wajahday dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.
Xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac ka qaba hanaanka doorashada soo socota iyo tallaabada ay Dowladda qaadeyso marka uu waqtigeeda dhammaado.