Dowladda Mareynkanka ayaa ku amartay mucaaradka ugu Afka dheer Soomaaliya gaar ahaan Hoggaamiyeyaasha iney joojiyaan khal khal gelinta amniga xasiloonida dalka,islamarkaana wax kasta oo ay tabanayaan ku xaliyaan wada hadal iyo isku tanaasul.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo ay aragtay Shabakadda Warqaad ayaa lagu wargeliyay Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya iney joojiyaan khal khal gelinta ay ku hayaan amniga dalka iyo hadalada wax kicinaya ee mararka qaar warbaahinta u marinayaan Madaxda ugu sareysa dalka.
Sida aan xogta ku helnay, Qoraal ayaa wuxuu ku socday saddex hoggaamiye ee hadda mucaaradka ugu sareysa gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo inta badan hadalo kul kulul kula hadla Dowladda.
Dowladda Mareynkanka ayaa si gaar ah u taageerta Xukuumadda Nabad iyo Nolol,waxayna inta badan aqbashaa qoraalada ka soo baxa Villa Soomaaliya iyo go’aanada ay gaaraan Farmaajo iyo Kheyre.
Xaalad cakiran ayuu hadda dalka ku jiraa,waxaana laga cabsi qabaa qabsoomida doorahsada 2021,taas oo wal wal uu ka jiro.