Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saakay degan ka dib markii shalay ay dagaalameen ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwo taabacsan C/naasir Seerar oo isaga sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabay inaan intaan wax ka badan loo dul qaadan doonin madaxweynayaal si sharci daro ah uga sii shaqeeya gudaha maamulka Jubbaland,islamarkaana magaalada Kismaayo ka saarayaan C/naasir Seerar iyo C/rashiid Xidig.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ogeysiineyna in mudo lix bilood ah u adkeysaneynay raggaas iyagu u adeega Dowladda Federaalka,wixii intaas ka dambeynaya aan u adkeysan doonin,wixii ka soo baxana ay iyagu ka jawaabi doonaan,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubbaland.
Dadka siyaasadda ku xeel dheer ayaa sheegaya iney cabsi ka jirto dagaal ahli oo ka qarxa magaalada Kismaayo,kaas oo salka ku haayo awood qeybsiga maamulka Jubbaland iyo qorshaha Axmed Madoobe uu ku damacsan yahay Jubbaland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu amar ku bixiyay in weerar magaalada looga saarayo C/naasir Seerar iyo C/rashiid Xidig lagu qaaday,wuxuuna maamulka Jubbaland sheegay in dulqaadkii uu ka dhammaaday.