Tan iyo waxii maanta ka dhacay Degmada Kismaayo ayaa weli la dareemayaa xaalad ciidan.
Wararka caawa nasoo gaaray ayaa sheegaya in halkaas lagu arkayo gaadiidka oo hadba dhinac usocda magaalada.
Inkastoo galabta gaadiidka Bl-ka shaqo bilaabay hadana ciidamo dhufeysyo ku jira ayaa la arkayaa.
Agagaarka ceymiska,aaga Siinaay Ayaana Ciidamada Jubbaland Dhufeysyo kasameysteen.
Jubbaland wasiirkeeda Warfaafinta ayaa galabta sheegay inay iyagu xasiloonida ka shaqeynayaan.