Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Galmudug uu dhankiisa bilaabay dhaq dhaqaaq uu kaga baxayo magaaladaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Xaaf uu maqlay qorshe Dowladda Federaalka ciidamo ay ku geyneyso magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo qeyb ka qaata sugida amniga magaaladaas.
Ilo ku dhow madaxweyne Xaaf,ayaa inoo sheegay in qorshihiisa dhow uu yahay inuu ka baxo magaalada ka hor inteysan soo gaarin ciidanka Dowladda ay u soo wado,xaaf ayaa ku quustay wixii hoggaanka Ahlu suna ku qabsaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Xaaf ayaa diidan inuu aqoonsado madaxweynaha la aqoonsan yahay ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb,wuxuuna wali isku heystaa madaxweynaha saxda ah ee Galmudug,wuxuuna maamul ka dhistay magaalada Gaalkacyo oo uu ka soo jeedo.
Nidaamka Villa Soomaaliya ayaa la soo baxay qorshe cusub oo aysan horay u adeegsan maamuladii ka dambeeyay,waxaana xoog loo adeegsanayaa hoggaamiye kasta oo ka madax adeega amarada Villa Somalia.