1- Nin Taajira oo xaasid ahaa oo u dhashay Dalka Naajeeriya ayaa ku fikeray in uu laayo Masaakiinta Magaalada, kadibna waxa uu Dalka Faransiiska ka dalbaday Cunto aad u nafaqa badan oo qaali ah, oo Koortoono ku jirto, Sun ayuuna ku daray. Waxa uuna yiri: Haloo qeybiyo Dadka ugu miskiinsan Magaaladan, waxa uuna ku wareejiyay Hayad Samafal oo caan ka aheeyd Magaalada. Waxaa loo sheegay in maalintaa oo Arbaca aheyd loo qeybiyay Masaakiinta Cuntadii nafaqada badneed ee uu ugu deeqay Masaakiinta, Naafada iyo Dadka nafaqa daradu heeyso. ( F.S: 1 & 2aad)
Waxa uu naxay markii Subaxdii xigtay wargeeysyada lagu soo qoray in ey Xalay Magaalada ey ku geeriyoodeen, Duqii Magaalada, ku Xigeenadiisii, Madaxdii Heyadaha Samafalka, Madaxdii Saldhigyada iyo Gudoomiyayaashii degmooyinka ,Madaxdaa qaar ka mid ahna waxaa la geeriyooday Xaasaskoodii iyo Caruurtoodii. Mucaawanadii nafaqada leheyd halna Qof oo Miskiin ah kuma dhiman.
(Haddii Taajirkaasi Somali ahaan lahaa, yaa ku dhiman lahaa Cuntadaa?)
2- Gacancsato Carbeed oo ku safrayay, waddo ku taal Lama degaanka oo Tuugu Burcad ah looga go’ay ayaa waxaa ku soo baxay Tuugadii oo Fardo wadato, Wajiyaduna u wada duuban yahiin si aan loo aqoonsan, waxa eyna ka qaateen Hantidii ey wateen oo dhan, waxa eyna ugu hanjabeen in ey wada dilayaan oo Seef ey qoorta uga jarayaan. (F.S: 3aad)
Wadaad ka mid ahaa Safarkii ayaa gooni u baxay oo ku qeeyliyay, “Yaasiinoow” aan maanta kugu fakado. Madaxii Tuugada ayaa Saaxiibadii ku yiri: Naga soo wada kuwaan, Hantidoodana u celiya. Markii xoogaa la socday ayaa Tuugadii ku tiri: Gudoomiye maxaad u cafisay kooxdaan?. Waxa uu yiri: Soow maadan maqal, Ninka goonida u baxay ee magaceeyga “Yaasiinoow” ku qeeylinayay, waana i aqoonsaday.
Ganacsatadii ayaa iyana Wadaadkii ku tiri: War Ninka Yaasiin miyaa la yiraa? waxa uu yiri: Ma ogi. Laakin Subax kasta ayaan “Suuratul Yaasiin” Aqri jiray, marka waxaan u yeerayay “Suuratul Yaasiin”.
( Badi Qur’aan aqriska, balaaya badan, Aduunka ha kaa xijaabee, Aakhirana in aad akhri jirtay ha kuu markhaati kecee)
3-Nin Reer Gaalkacyo ah ayaa u soo tacsiyeeyay Qoys Reer Xamarweyne ahaa oo Oday waayeel ahaa oo 90 jira uu ka geeriyooday, markii uu Guriga Tacsida ka sii baxayay ayuu arkay islaantii Duqu ka dhintay oo Sariir saaran oo 80 jir aheyd. Inta uu dib u soo laabatay ayuu Cidii ku yiri: Ma soo noqnoqon karee tanaa hadeey dhimato, Alla ha u naxariisto. ( F.S: 4aad)
(Nin Fudeeyd Badnaa ayaa waxa uu arkay Gobal laga dhistay Maamul la isku khilaafsan yahay, wuuna Aqoonsaday. Wax yar kadin ayuu maqlay in la dhisi doono mid kale oo la isku khilaafsan yahay, waxa uu yiri: Sooma noqnoqon karee kan dambana waan sii aqoonsaday, Cadaaladana Samir Alla ha idinka siiyo)
4-Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Qurbaha markii uu tagay waxa uu iibsaday baabuur weyn “ Tareel” waxaana u waday Darawal reer Baydhabo ahaa, waxaa lagu yiri: Darawalkii Baaburkaagii ayuu Qof Jiirsiiyay isaga oo Gadaalgadaal u socdo. Milkiilihii Reer Gaalkacyoodka ayaa yiri: Saddax sabab dartood Darawaku Ha iska bixiyo Magta Ninka. a) Buubuurku Ceymis kuma jirin. b) Halkana Tol mag bixiyo iima joogo. c) Darawalkana iskuma ogeeyn in Baabuurku Gadaalgadaal u socdo. ( F.S: 5aad).
( Qurbihiina Qaan miyaa la isku raacanayaa, haddii Baabuurta Reer Gaalkacyo Gadaalgadaal loo wado)
5- Wiil ayaa Saaxiibtii Habeen barkii Telefon u diray, kuna yiri: Xaliimo Saacadaan maxaa ku soo jeediyay?. Waxa ey ku tiri: Waxaan ku riyooday Aniga iyo Adiga oo Arooskii 7-bo ku jirno. Waxa uu ku yiri: Berri ayaan Aabaha u tagayaa oo aan ku weydiisanayaa. Waxa ey ku tiri: Maya iska dhaaf. Waxa uu ku yiri: Waa maxaay isbedelkaan, soow Ballan maleheeyn?. Waxa ey ku tiri: Riyada ayaan ku ogaaday, waxba iskuma heeysid, Yariis carrur camal, Romantic-na ma tihid. ( F.S: 6aad)
(Waxaan maqlay, wasiir ku riyootay, Nin Shaqaalahiisa ka mid ahaa oo Mucaarad la shirayay, kadibna Shaqadii ayuu ka eryay. War Riyada qaar yaan go’aan lagu qaadan)
6-Gabar ayaa Saaxiibkeed Telefon u dirtay oo ku tiri: Babe, Caawa Cidlo iyo Cabsi ayaan dareemayaa, Guriga kaligeey ayaa joogo, Cidii oo dhanna Safar ayeey aadeen,
.
Waxa uu ku yiri: Waxba ha ka cabsan Babe, Aayatul kursi iyo 4 Yaasiin akhriso, Qooyskana Alla ha soo sama noqo. waxa ey ku tiri: Haye, Baaciyoow.( F.S: 7aad)
(Meeqa fursadood ayaad Faham la’aan ku dhumisay?)
Qore: Yahya Amir