Wariye ka shaqeeya Idaacad Madax Banaan oo ku taalla Magaalada Muqdishoa yaa la sheegay in Galabta La xiray.
Maxamed Cabdullaahi Abuja ayaa la sheegay inuu yahay Tifaftiraha Idaacad lagu magacaabo Hiigsi,qaar ka mid ah Shaqaalaha Raadiyahaas ayaana xaqiijiyey in la xiray.
Ciidamada Nabad Sugida Dawlada ayaa Saxafigaan Xabsiga dhigay,lamana sheegin waxyaabaha loo heysto ama dembiga uu galay.
Waxaa socota dedaalo lagu doonayo in lagu soo daayo Wariye Abuja,waxaana inta badan Saxafiyiinta Muqdisho ayaa la kulma Tacadiyo ay kala kulmaan Dawlada Soomaaliya.