In muddo ahba waxaa jirtay cabasho ku aaddan waxyeellada dadka rayidka ah kasoo gaarta duqeymaha uu Mareykanka ku beegsado xubnaha Al-Shabaab ee Soomaaliya. Sheekadanina waxay ku saabsan tahay qoys ehel la ah mid ka mid ah shaqaalaha Warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo duqeyn lala beegsaday.
Qoyskan oo xilli habeennimo ah ku sugan gurigooda oo ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa lala dhacay madaafiic la sheegay inay soo rideen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka, kuwaasoo howlgallo joogto ah ka fuliya goobaha lagu tuhmo xoogagga Al-Shabaab.
Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa ahaa dhamaantood dumar iyo carruur casho u fadhiyey marka ay musiibadu ku dhacday.
Maxamed Cumar oo xubin ka ah qoyska ay waxyeellada kasoo gaartay weerarakaas oo dhacay horaantii bishan ayaa BBC-da u sheegay dhaawac iyo dhimashaba uu jiro.
“Hal gabar ayaa naga dhimatay, Alle ha u naxariisto, Hooyadey waxay ka burburtay lugaha haddana ma istaagi karto, gabar aan adeer u ahay waxay ka dhaawacantay gaarka hore, gabar kale oo aan adeer u ahay iyadana waxaa ka go’day dhagta”, ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu sheegay in isagu uu xilligaas ku sugnaa goobta, balse uusan waxba soo gaarin.
Dhanka kale wuxuu Maxamed Cumar sheegay in qoyskiisa uusan heysanin dhaqaale uu dadka ka dhaawacmay isbitaallo fiican ku geeyo, iyadoo aysan jirin cid ilaa hadda la xiriirtay.
“Murug aad u fara badan ayaan dareemeynaa, sababtoo ah awood dhaqaale ma lihin, ma awoodno inaan hooyadeen iyo gabdhaha kale ee dhaawaca naga ah geysanno isbitaallo wax looga qaban karo xaaladdooda, xitaa gabadhii naga dhimatay wax aan ku aasno waan weynay, dadka muslimiinta ah ayaan ka codsadeynaa inay garab na siiyaan”, ayuu yiri Maxamed.
Warar ay heshay BBC-da ayaa sheegay in haweeneyda Maxamed hooyadiis ah ee dhaawaca uu kasoo gaaray weerarkan ay walaalo yihiin mid ka mid ah shaqaalaha warbaahinta qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed cusmaan.
Maxamed oo ka mid ah howl-wadeennada Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan.
Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday qoyskan, wuxuuna ninka dhalinyarada ah ee la hadlay BBC-da sheegay inay yihiin dad beeraley ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Horay waxaa lasoo tabiyay qoysas beeraley iyo xoolaley ah oo ay waxyeello dhimasho iyo dhaawc isugu jirta kasoo gaartay weerarradda lagu beegsado xubnaha Al-Shabaab.
Shalay ayey ahayd markii ay diyaarad uusan duuliye saarneyn duqeyn ka fulisay meel aan ka fogeyn magaalada jilib, halkaasoo ay ku dishay maamulhii shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee gobolka J/dhexe, kaasoo Dawladda Soomaaliya iyo ciidanka Maraykanka ee Afrika ka hawlgala ay ku tilmameen inuu ahaa xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Xigasho:BBCSomali