Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose,kadib weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xerada Ciidamada.
Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ,waxaaana dhaawacyada uu u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan,sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saarey Xafiiska RW Kheyre.
Ciidamada kusoo dhaawacmey weerarkii Ceel Saliini ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidi Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka.