Hogaamiyaha Guud Ahlu sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay guud ahana siyaasadda Galmudug uu ka tanaasulay.
Macallinka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii waxyeelada ku gaartay dagaalkii 24-ka saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, waxaana uu sheegay in Ahlu sunna aanu ahayn Urur ama dad baneysta dhiigga Muslimka.
Waxa uu sheegay in Ciidanka iyo hubkii Maamulka Ahlu sunna ay ku wareejiyeen Ciidamada Taliyaha guudata 15-aad Ciidamada Xoogga dalka.
” Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hugaaminta Galmudug, inagu diyaar uma nihin in mar kale dhiig daato ama bulshadu iska horimaato, waxaan u taaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan u sii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.
Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlu sunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir , Sheekh Al-Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed waxaa la wareegay Taliyaha guutada 15-aad ee ciidamada .