Post View....

Gen. Cabaas Gureey “Khilaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Jubbaland, waa in uusan iska hor keenin Ciidamada.

0
66

Gen. Cabaas Ibraahim Gureey oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo oo la hadlayay Askar katirsan Daraawiishta Maamulkaas waxa uu kaga digay dagaal ka dhaca Gobolkaas.

Taliyaha waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland uu sabab u noqdo in la iska hor keeno Ciidamada oo Gobolka Gedo u wada joogo Howlgal.

Gen. Cabaas waxa uu Ciidamada ka dalbaday in aysan ku milmin Khilaafka Siyaasadeed, balse ay ka fakiraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay kawadaan Gobolka Gedo sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax laga xumaado in la iska hor keeno Ciidamada Dowladda iyo Jubbaland oo hal cadaw wajahaya, Khilaafaadka Siyaasadeed waa laga heshiiyaa balse ma ahan in uu soo dhexgalo Ciidamada oo la isku adeegsado, waxa aan rajeynaya in wax waliba si nabdoon ay u dhamaadaan” ayuu yiri Taliyaha.

Degmada uu ku sugan Cabaas Gureey ee Balad Xaawo waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana dhowaan israsaaseyn kooban ay ku dhexmartay Degmadaas, inkastoo markii dambe lagu baxay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmo kahor sheegay in Dowladda Federaalka ay waddo dhaq-dhaqaaqyo, dhankoodana ay ku jiraan abaabulka Ciidamada Dowlad Goboleedkaas.

 

About Author