War kusoo dhacay Warqabadka Badweyn ayaa sheegaya in Maanta Duhurnimadii lagu arkay Magaalada Beled Xaawo Diyaarado nuuca is wada (Drone-ka) taas oo baqdin ku abuurtay Shacabka Magaaladaasi.
Diyaaradahaan waxay dad goob joogayaal ah ay sheegeen in Sawirro ay ka qaadanayeen Xaafadaha Magaalada shakigana waa ay sii kordhisey.
Ilaa hadda lama sheegi karo Diyaaradaha la arkay Beled xaawo halka laga leeyahay iyo waxay ka damacsanaayeen Magaaladaasi.
Waxay kusoo aadayaan xilli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeday muddooyinkii dambe ka taagnaa Magaaladaasi.
Ciidamada Dawlada iyo kuwa Jubbaland ayaa isku haya Gacan ku heynta Gobolka Gedo,iyadoo hadda ay umuuqato in Dawlada ay Xooggeeda iskugu geyso sidii ay meesha kaga saari laheyd Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa.