Sheikh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu suna Waljameeca oo magaalada Dhuusamareeb goordhow warbaahinta kula hadlay ka dib markii xaruntoodii INJI lala wareegay ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.
Generaal Mascuud ayaa horay u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.
Hadalka Sheikh Maxamed Shaakir ayaa ku soo aadaya,iyadoo saakay ciidanka Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen xarunta INJI oo hooy u ahayd Hoggaanka Ahlu suna ka dib dagaal labo maalin qaatay oo halkaas ka socday.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa degan,waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidanka kala duwan ee Dowladda halkaas geysay.
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0
Sheikh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu suna Waljameeca oo magaalada Dhuusamareeb goordhow warbaahinta kula hadlay ka dib markii xaruntoodii INJI lala wareegay ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.Generaal Mascuud ayaa horay u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.
Posted by Mohamed Abuukar Dabaashe on Friday, February 28, 2020