Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Badweyn waxay sheegayaan in Xaalad Cusub ay gashay Jubbaland iyadoo Ciidamo badan uu la tegay Degmada Ceel waq Korneel Cabaas Gureey.
Taliye Gureey ayaa saaxiib dhaw la ahaa Axmed Madoobe,lamana oga waxyaabaha soo kordhay iyo sida Siyaasad ahaan la isku qabtay.
Ma jirto cid faah faahin ka bixin karto Xaalka Jubbaland kasoo cusboonaaday gaar ahaan Gobolka Gedo,iyadoo dhabar jebin ay Axmed Islaam iyo Jubbaland ku tahay Gadoodka Cabaas Gureey sameeyey.
Dhinaca kale 10 katirsan Ciidamadii Jubbaland ee maalmo ka hor laga daabulay Dhoobleey ayaa Dawlada Federaalka maanta isku dhiibay,deegaanka Suufka Ee Xadka Mandhera dhaca.
Weli ma heyno war kasoo baxay dhinaca Jubbaland oo ay kaga hadlayaan wararka soo baxaya iyo sida ay kaga jawaab celinayaan.
Ilo wareed kale waxay sheegayaan in Mas’uul Caan ahaa Isa soo dhiibay weliba kuwooda ugu sareeya Jubbaland ka mid ahaa,balse waxaan isku dayeynaa Xaqiijinta Khabarkaasi.
NAGA FILO WARARKII UGU DAMBEEYEY CAALAMKA