Wararka laga helaayo deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaas maanta ay madaafiic isku weydaarsadeen Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland.
Dad ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in maanta ay maqleen dhowr Jug oo madaafiic ah, isla markaana ay aaga dagaalka isku weydaarsanayeen Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee halkaas isku hor fadhiya.
Deegaankaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo labada dhinac u dhexeeysa, waxaa halkas dhaq-dhaqaayo ka wada Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal Cusub halkaas inuu ka qarxyo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in la xiray wadada isku xirta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland iyo deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyadoona aan weli sababta loo xiray.
Dhanka kale ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Maanta ay is weydaarsadeen Ciidamada kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo weli isku hor fadhiga deegaanka Tukaraq.