Murashax Madaxweynaha Soomaaliya Labo Jeer soo noqday C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa uu maanta la kulmay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa ka dhacay Xerada Xalane Xafiiska UNSOM Ee Swan ku shaqeeyo,iyadoo C/shakuur uu kala hadlay Arimo ubadan Amniga,Siyaasada iyo Doorashada Sanadkaan Dhamaadkiisa iyo Sanadka soo socda Dalka ka dhaceysa.
Qoraal uu C/raxmaan soo saaray Kulanka kadib ayuu si kooban uga hadlay wixii isaga iyo James Swan kawada hadleen.
“Kulan aan la qaatay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaan kaga wada hadalnay arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Galmudug ayuu yiri” C/raxmaan C/shakuur Warsame Qoraal uu soo saaray.

