Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay inay ku fashilmeen isku keenida saamileyda Siyaasadeed ee dalka si looga gudbo caqabadaha jira.
Waxaa uu ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook inay aheyd in saamileyda dalka ay ka hadlaan arrimaha Amniga,Doorashooyinka, iyo dhameystirka Dastuurka,hayeeshee aysan muuqan arrimahaas,isaga oo sheegay in la gaaray xilligii tallaabo laga qaadi lahaa Xubnaha qaswadayaasha ah.
“Hoggaanka Dowladda Federaalka ah wuu ku fashilmay in uu isku keeno saamilayda siyaasadeed si xal looga gaaro arrimaha amniga, doorashooyinka, iyo dhammeystirka dastuurka. Waxaa la gaaray xiligii la sheegi lahaa tillaabana laga qaadi lahaa xubnaha qaswadayaalka ah (spoilers) ee awoodda dowladda ku carqaladaynaya nabadda iyo dhismaha dowladnimada ayuu yiri”C/raxmaan Cabdi Shakuur.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka gaar ahaan Golaha Ammaanka in uu go’aannadiisa Soomaaliya ku aaddan fiiro uga yeesho arrimahaas.