Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si dadban uga baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xisbiyada ugu waa weyn ee dalka.
Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, ayaa inoo xaqiijiyay in Xisbiga u cuntami weysay sida ay u socota howsha Madasha,waxayna fahmi waayeen halka uu wax u wado Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ah hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiga Wadajir uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa horay u diiday inuu ka mid noqdo Madasha Xisbiyada oo uu aas aaskiisa qeyb ka ahaa balse markii dambe uu sababo Xisbiga u gaar ah uga baxay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dardar geliyay howlaha Xisbigiisa UPD uu ka wado dalka iyo dibadiisa haddii ay ahaan lahayd furida Xafiisyo cusub iyo in kor loo qaado mabda’a Xisbiga uu ku shaqeeyo.
Sidoo kale, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku mashquulsan taageere u raadinta Xisbigiisa ee Himilo Qaran oo ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna hadda ku sugan yahay magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska.