Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisa uu dhamaaday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si adag uga soo horjeestay liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug oo shalay la soo saaray.
Xaaf waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray in lala xisaabtami doono dadkii ka dambeeyay soo saarista liiskaasi Xildhibaanada ah.
Waxa uu sheegay go,aanka soo xulista Xildhibaanada cusub ee Galmudug inay leeyihiin Odayaasha Dhaqanka & Madaxweynaha Maamulka Galmudug.