Wararka maanta oo jimco ah naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in wali halkaas ka taagan tahay siyaasad la isku mari la’yahay oo khasan.
Sidoo kale, magaalada waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin dhinacyada iska hor jeeda ee magaalada ku sugan,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in cabsi magalaada ay ka jirto,islamarkaana ay yaraadeen dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka,maadama magaalada ciidamo badan lagu arkayo.
Hoggaanka Ahlu suna ayaa shir ka leh sida uu ku shaqeyn karo maamulkooda cusub ee madaxweynaha u yahay Sheikh Maxamed Shaakir,halka Dowladda Federaalka Soomaaliya isku dayeyso iney qanciso Ururkaas.
Dhinaca kale, madaxweyne Xaaf ayaa isku doortay madaxweyne,wuxuuna balan qaaday inuu isku keenayo dhammaan dhinacyada quseyso siyaasadda Galmudug lana heshiinayo.
Shacabka ayaa arrintaan waxay ku abuurtay dareen cabsi ah maadama dhinac kasta uu sameynayo wax kasta uu ku difaacayo danahiisa siyaasadeed.