Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay shirkii magaalada Garowe ay ugu balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada sida Jubbaland,Puntland iyo Galmudug.
Shirkan oo lagu wado inuu magaalada Garowe ka dhaco maalmo ka hor ayaa waxaa hakiyay Madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii ay qadka taleefanka ay ku wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Madaxweyne Farmaajo ayaa DENI ku wargeliyay inuu dib u dhigo shirka maamul goboleedyada ugu madlanaayeen magaalada Garowe si shirka u noqdo mid qeyb ay ka tahay Dowladda Federaalka,islamarkaana lagu xaliyo mad madowga maamul goboleedyada qaar kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa dhankooda dib u dhigay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Garowe si ay halkaas uga arrinsadaan xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee khilaafka iyo doorashada 2020ka uga horeeyaan.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo mudo sanad ah laga joogo markii loo doortay hoggaanka Puntland ayaa ku baaqay shir kale oo ay isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka,kaas oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Labada maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa cirka isku sii shareeraya kaas oo dib u dhigaya horumarka dalka iyo doorashada lagu wado iney dalka ka dhacdo doorashada 2020-ka.