Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan Albaabada ay u xiran yihiin xubnaha Beesha caalamka u jooga Muqdisho kula yeesho xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane ahna taliska ugu weyn ee howlgalka Midowga Afrika.
Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro kulankaas,islamarkaana intiisa badan diirada lagu saarayo xaaladda guud ee dalka iyo doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo 2021.
Kulankan ayaa waxaa dalbaday xubnaha Beesha caalamka,waxayna ugu yeerteen inuu kala soo qeyb galay Wasiirka koowaad ee dalka si uu warbixin kooban uga siiyo halka ay wax marsiinayaan iyo siday ugu diyaargarowbeen doorashada soo socota,taas oo la filayo iney ka duwanaan doonto kuwii horay dalka uga soo dhacay.
Maalintii sabtida ayay ahayd markii Ra’iisal wasaare Kheyre Xafiiskiisa kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo uu kala hadlay arrimaha doorashada 2021 iyo taageerada Beesha caalamka ee Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhegan in doorashada soo socota ay noqoto qof iyo cod si mar kale Madaxda ugu sareysa dalka qaarkood xukunka ugu soo laabtaan,balse doorashada sanadkaan oo mid xamaasad leh ah ayaa ka adag midii hore ee 2016.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka ku cadaadinayaa ineysan dhici karin wax mudo kororsi ah marka uu mudo xileedka xukuumadda hadda jirto uu dhammaado.