Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho ugu yeeray musharaxa ay Villa Soomaaliya maalgelineyso ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,kaas oo la aamisan yahay in doorashadiisa shaki badan ku jirin marka dhinaca Dowlada loo eego.
Xubno ku dhow Musharax Qoor Qoor ayaa Shabakadda Warqaad u sheegay in dalab ka yimid Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre lagu wargeliyay Mr. Qoor Qoor in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo galo Muqdisho si wadatashi loogala yeeshay wejiga cusub ee ay gashay doorashada Galmudug oo la isku mari la’yahay.
Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay dooneyso shax cusub iney la ciyaarto musharaxiinta ka horjeeda,islamarkaana la tashi laga sameeyo cabashada jirta iyo sida ugu macquulsan ee looga gudbi karo.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ah Musharax aan muran ka taagneyn cida gadaal ka riixeyso ayaa wax badan ka hadal warbaahinta halka dhiggiisa musharaxiinta Galmudug maalin kasta war cusub la hor taagan yihiin qalabka warbaahinta iyagoo ka cabsi qaba in doorashada la masuq maasuqo.
Dowladda Federaalka ayaa xoog,xoolo iyo maskaxba ku bixineysa doorashada Galmudug sidii ugu guuleysan lahaa uguna soo bixi lahaa mataxtinimada Galmudug.
Waqtiga loo mudeeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha ayaa markii saddexaad dib u dhac ku yimid,iyadoo arrintaas loo aaneynayo tabashada jirta iyo hoggaanka Ahlu suna oo heshiiskii ay la gashay Dowladda ka baxay.