Warbaahinta Goobjoog media Group oo uu milkiyadeeda leh guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Abshir Maxamed (Bukhaari) ayaa ku qarka u saaray iney bur burtay ka dib markii dhaqaalo daro baahsan soo wajahday.
Goobjoog Media Gruop oo ka kooban dhowr Idaacad iyo Tv,ayaa markii hore dardar ku soo gashay saxaada siyaasadda warbaahinta ka dibna saameyn balaaran ku yeelatay Bulshada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida dunida inteeda ku sugan oo Baraha Bulshada kala socday.
Hoos u dhaca dhaqaale iyo midka tayo ee ku yimid warbaahinta ayaa soo bilaabatay ka dib markii maamulkeeda guud uu iska wareejiyay Abshir Maxamed Bukhaari oo October 15, 2016, loo doortay Senator ka tirsan Golaha Aqalka sare.
Mr. Bukhaari, waxaa noqday senator-kii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya tan iyo markii xuriyadda la qaatay 1960-kii, waxaa uu ka mid noqonayaa xubnaha 54-ta ah ee ka tirsan aqalka sare.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Goobjoog Tv oo aan si hoose ula hadal ayaa inoo sheegay in warbaahinta Goobjoog media Group qarka u saaran tahay iney danto cabsina laga qabo iney shaqaalaha ka wada hayaamaan.
Warbaahinta ayaa hadda ku soo koobantay baraha Bulshada oo la soo dhigo muuqaalada iyo warbixinada magaalada laga soo diyaariyo,halkaas oo wali ay ka nooshahay.
Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa ineysan shaqaalaha hadda ku haray Goobjoog tv iyo Idaacadaba qaadan wax mushaar ah,islamarkaana shaqaalaha ay mid mid kaga tagayaan.
Arrintaan hoos u dhaca iyo dhaqaale darada soo wajahday Goobjoog media Group ayaa loo aaneynayaa iney ka go’do mashaariicdii dhaqaale ay heli jireen,islamarkaana ay yaraadeen ilihii dhaqaalaha ay ka heli jireen.
Sidoo kale, Abshir Bukhaari ayaa ka mashquulay warbaahinta,waxaana wararka qaar oo aan helnay ay sheegayaan in ujeedkiisu ahaa inuu ku galo masraxa siyaasadda dalka.