
Laamaha Amniga Kenya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ilaa 5 ruux ay u xireen weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee saakay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Simba ee degmada Manda Bay ee Gobolka Lamu.
Xerada la weeraray ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Ciidamada Badda ee Dowladaha Kenya iyo Mareykanka,waxaana la sheegay in Al-Shabaab ayu ku gubeen gawaari badan iyo diyaarado dagaal.
Gudoomiyaha nabadgalyada ismaamulka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 5 Ruux oo laamaha Ammaanka uga shkiyeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kana dambeeyeen weerarkaas.
Dhanka kale ciidanka difaaca Kenya ee KDF-ta ayaa madaafiic xoogan kaga iyo duqeyn dhanka cirka ah kaga jawaabay Weerarkaan.