Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuuso mareeb ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto Caawa Lacag qeybin.
Dawlada ayaa dhaqaale badan udaad gureysay Kol hore Magaaladaasi si ay Galmudugta Cusub ay shanta farood ugu dhigto.
Dad lagu kalsoon yahay oo Dhuuso mareeb kusugan waxay Badweyn usheegeen in lacag lasiinayo Xildhibaanada Lasoo xulay dhawaan Ee la dhaariyey.
Waxay Bilow utahay Lacagtaan Heshiis la galay taas oo la dhameystiri doono marka ay Codka ugu shubaan Shakhsiyaadka ay wadato Dawlada Ee Galmudug.
Axmed Qoor qoor ayey Xukuumada Dhexe la rabtaa Madaxweynaha Galmudug halka Gudoomiyaha Baarlamanaka lala rabo inuu noqdo Maxamed Nuur Gacal.
Xaalka Dhuuso mareeb caawa waxa uu ka duwan yahay Habeenadii hore,iyadoo Dulaaliin Dawlada Dhexe iyo Xildhibaanada Galmudug Udhaxeeya.