Xog-hayihii hore ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS Duran Axmed Faarax ayaa munaasabad dhiiri gelin ah magaalada London ugu sameeyay orodyahano Soomaaliyeed oo London ku tabaar qaata.
Orodyahanada oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Cabdishakuur Negeeye Cabdulle ayaa waxaa munaasabada ku wehliyay macalinkooda naadiga ay ka tirsanyihiin ee Hillingdon Athletic Club Macalin Ibrahim Xaamud iyo xubno kale oo horay uga tirsanaa xiriirka cayaaraha fudud oo kala ah Maxamuud Cadow iyo Axmed Cali Abiikar.
Munasabada oo ahayd casho sharaf dhiir gelin ah ayaa ka dhacday maqaayada Salale ee ku taala waqooyiga magaalada London, waxaana casha sharaftaas kaddib xog-hayihii jhore ee GOS Duran Axmed Faarx uu uga mahad celiyay macalinka gacanta ku haya cayaaryahanada heerka wanagasan ee uu soo gaarsiiyay maadaama ay natiijooyin wax ku ool ah ka keeneen cayaaraha orodka ee England sanadkii lasoo dhaafay.
“Waxaa aniga iyo Soomaali oo dhan noo muuqata in aad kaalimo wanagsan soo gasheen kana faa’iideysateen fursadaha aad hesheen, Soomaaliya waa idin baahan tahay waxaana ku rajo weynahay in aad qeyb weyn ku yeelan doontaan horumarka cayaaraha fudud ee Soomaaliya dalkana aad guulo usoo hoyn doontaan”ayuu cayaartoyda u sheegay Duran Axmed Faarax.
Macalin Ibraahim Xaamud iyo cayaartoydiisa ayaa uga mahad celiyay masuulkan sare ee horay uga tirsanaa guddiga Olombikada Soomaaliyeed in uu soo xasuustay ayna taasi tahay arrin iyaga dhiiri gein aad u weyn u sameyneysa.
“Hada ka hor waxaad nagusoo booqatay xarunteena tababarka caawana waxaad noo sameysay munasabaddan weyn ee dhiri gelinta ah, aad ayaana kaaga mahad celineynaa garab istagaaga joogtada ah”ayuu yiri Macalin Ibraahim xaamud oo ka hadlay munaasabadda.