Mar kasta oo Xaalada kala guurka la gaaro waxay Dawlada Markaas ay la kulantaa dagaal wejiyo kala duwan oo Mucaaradka siyaasiyiinta ah ay ku sameeyaan.
Villa Soomaaliya ayaa waxay ku jah wareertay inay ka adkaato Mucaaradka Dawlada oo dhowr firqo ah,xilli Al Shabaab ay dagaal Hubeysan la daba joogto.
Seddex Sano ayaa hadda ubuuxsami doonta Bisha soo socota markii la gaaro inta uu xukunka soo hayey Madaxweyne Farmaajo.
Dad badan ayaa rumeysan in Sanadka udhiman Madaxweynaha uu la kulmayo Cadaadisyo xitaa Beesha Caalamka ay saareyso arimaha doorashada iyo hanaanka ay udhaceyso.
Codsi uu ugudbiyey Farmaajo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la sheegay in ay umuuqato mid laga biyo diiday.
Dalabkaas ayaa ahaa inuu abuuro Xulufo Villa Soomaaliya ku daba feylan oo ku taageera inuu xukunka kusoo laabto iyagoo danta uu kaga baahdo ufuliya inta ay xasaanada heystaan.
Hore waxaa ujirtay in khilaaf hoose uu soo kala dhex galay Mursal iyo Farmaajo kadib markii la isku maandhaafay lacago ka yimid Dawlada Qatar.
Waxa uu madaxweyne Farmaajo kula heshiiyey Gudoonka Golaha Shacabka inuu siiyo Dhaqaale hadii ay ka shaqeeyaan meel marinta Sharciga doorashooyinka oo ay 27-kii December 2019-kii ay ansixiyeen.
Dhawaan Warqadii uu Beesha Caalamka u diray Mursal waxay muujineysay sida ay Xurgufta isaga iyo Farmaajo ka dhex oogan,taas oo Doorashada iyo Dhaqaalaha lagu bixinayo la isku qabtay.