Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa labo jeer ka badbaaday in xilka qaadis lagu sameeyay ka dib markii dacwad laga geeyay Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku dhow Madaxtooyada kana carooday cunaqabateyn uu ku sameeyay Cumar Filish ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre kula taliyay in xilka laga xayuubiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir,maadama uusan ku shaqeyn Barnaamijka Xukuumadda Nabad iyo Nolol.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano lacago baad ah ka qaadan jiray gobolka Banaadir ka joojiyay kuwaas oo ku raaxeysanayay Hotelo ku yaalo magaalada Muqdisho,waxayna dhowr jeer shaqsiyaadkaas u diyaariyeen qorshe xilka looga qaadi karo guddoomiyaha,balse uu ka badbaaday.
Sida ay sheegayaan wararka aan heleyno,awoodda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa la xadiday,waxaana Akoonka maamulka gobolka Banaadir gacanta loo geliyay ku-xigeenka maamul iyo Maaliyadda gobolka Banaadir oo saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre.
Cumar Filish ayaa marar badan ka badbaaday dabino sahli karay in xilka looga qaado,kuwaasi oo ay u dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa xillkan loo magacaabay ka dib markii geeriyooday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.